Prof. Buuba Oo Ku Dooday In Aanu Wakhti Ku Lumin Doonin  Qancinta Shaqsiyaad Cuqdadaysan Ee Uu Khibradiisa Dublamaasiyadeed Ee Faca Wayn Uu Qadiyadda Somaliland Uga  Faa’iidayn Doono  

0
528

 

Prof. Buuba Oo Ku Dooday In Aanu Wakhti Ku Lumin Doonin  Qancinta Shaqsiyaad Cuqdadaysan Ee Uu Khibradiisa Dublamaasiyadeed Ee Faca Wayn Uu Qadiyadda Somaliland Uga  Faa’iidayn Doono

Dublamaasi Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mida Siyaasiyiinta Kaadiriinta iyo Musdambeedka ee xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay kulan dhawaan qurbaha ku dhex maray isaga iyo Madaxweynaha dalka Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo aragtidiisa eedaymo loogu jeediyey kulankaasi waxaanu dhinaca kale aqoonyahan Buubaa si aragti dheera uga hadlay doorkiisa shaqsiyadeed ee Iibgaynta mabda’a iyo qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay in aanu marnaba la gaban doonin cid kasta oo soo hor fadhiisanaysana uu diyaar u yahay in uu ku qanciyo rabitaanka shacabka Somaliland iyo qaranimadda Somaliland.

Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo Hargeysa waraysi uu kula yeeshay Suxufi Nuuradiin Colujoog, ayaa sido kale cod dheer ku sheegay in qof aragti gaaban ama Cuqdadi hayso aanu isagu diyaar u ahayn in uu wakhtigiisa ku lumiyo sidii cuqdadaasi looga saarilahaa cidaasi isla markaana uu kaliya difaacista iyo Iibgaynta qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland xil iska saarayo sidii cid kasta ka soo horjeeda uu ugu qancinlahaa isaga oo waayo aragtidiisa iyo aqoontiisa 50 ka sanno ka badan ee uu leeyahay uu Somaliland xaqa siyaasiga ee ka maqan uu ugu baadi dooni doono.

 

“Horta Mishkilada Ka Taagani (Dalka Somaliland) Waa CUQDAD Weeyaan, Adeer Qof Cuqdadi ku jirto Anigu Maanta Wakhti Ku Lumin Maayo Si Aan Cuqdad uga Saarilahaa, Balse Qof Siyaasi ah ayaan ahay oo Isku Kalsoon oo ogsoon wuxu odhanaayo oo ogsoon danaha guud ee Garanayana Waaqica Siyaasiga ee Maanta Yaala, Danta Guud Ee Somaliland-na Ku Filan, Danta guud ee Somaliland-na ku filan cid kasta iyo cid kasta oo aanu ka wada hadalo diyaar ayaan u ahay mawqafkayga in aan si buuxda oo hufan ugu baacin karo”  ayuu  yidhi  Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here