Guddida Qaban-Qaabada Heer Qaran Ee 18 May Oo Ku Dhawaaqay Maalinta Xuska 18 May Oo Hore Loo….

0
535

Guddida Qabanqaabadda Qaran ee Xuska maalinta 18 May, ayaa shaaciyey maalinta guud ahaan Dalka Somaliland laga debaal degi doono Xuska ugu balaadhan ee munaasibadda Debaal dega Xuska 18 May ee sannadkan 2019-ka noqon doonta Sannad guuradii 28aad ee aasaaskii qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ka soo wareegtay.

Shir Jaraa’id oo maanta Guddida heer qaran ee qaban qaabadda Xuska 18-ka May ay Hargeysa ku qabteen ayaa guddidan oo ay hormuud ka yihiin Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland md Maxamed Kaahin Axmed, Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Xubno kale waxa uu wasiir Kaahin ku dhawaaqay in guud ahaan Dalka Somaliland laga qaban doono debaal dega Xuska 18 May ee sannadkan 12 Bisha Barakaysan ee Ramaddaan oo inagu soo fool leh, waxaanu halka wasiirku fariino iyo digniino uga diray shacabka Somaliland ee goboladda dalka kala jooga oo uu faray inay maadama oo Bil  Ramaddaan uu debaal dega Xuska 18 May ku beegmay sannadkana inay ilaaliyaan anshaxa suuban ee diinta Islaamka isla markaana Amnigana dhawraan.

 

 

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here