Ugu yaraan laba qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalla Dalka Phlilippin

0
1094

 

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen weerar bambo gacmeed oo lagu tuuray masaajid ku yaala koonfurta dalka Phlilippin, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha gobolkaasi.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Zamboanga saacadihii hore ee maanta oo Arbaca ah, ayaa yimid afar maalmood ka dib markii laba qarax oo mataano ahaa lala eegtay Kiniisad ku taala Jazeerada Jolo, oo ah meel degenaano la’aani ay ka jorto dalka Philipine.

Afhayeen u hadlay Milatariga gobolkaasi ku sugan oo la yidhaa Gerry Besana ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in Bambo gacmeeda lagu tuuray gudaha Masaajidka oo ay ku dhinteen laba qof afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkan ay waxyeeladu soo gaashay ayaa lagu waramayaa inay masaajidka dhex hurdeen markii weerarku dhacay, waxaana masuuliyiinta gobolkaasi ay isla markiiba ay cambaarayn dusha u saareen kuwii weerarka soo qaadan.

Gudoomiyaha gobolkaasi oo la yidhaa, Mujiv Hataman ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid diciifnimo ah in la weeraro dad cibaadaysanaya, waxaanu dhamaan dadka diimaha kala duwan aaminsan ugu baaqay in si nabadgalyo ah ay cibaadaystaan.

Ma jirto cid ama koox weerarkan masaajidka sheegatay balse Milatariga gobolkaasi ayaa dadka ugu baaqay midnimo bulsheed iyagoo ku booriyey dadku inay joojiyaan kutiri ku teenta lagu faafinayo baraha mulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here