DEG DED- Madaxweynaha Venezuela Oo Sheegay In La Khaarajinayo Iyo Cidda Uu Ku Eedeeyey

0
879

 

 

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay wadahadal uu la furo mucaaridka dalkiisa ee Maraykanku ka dambeeyo xili ay dalkaasi ku sugan yihiin dhexdhexaadiyeyaal caalamiya, inkastoo uu maraykanka ku eedeeyey inuu Amray in la shirqoolo.

Madaxweynahan Cadaadisku saaran yahay, ayaa hore u diiday baaqyo loo jeediyey inuu mucaaridka la hadlo ayaa maanta oo arbaca ah u sheegay Telefishan Dawlada Ruushku leedahay oo la yidhaa RIA ayaa sheegay inuu fikirkiisii hore u bedelay nabada iyo mustaqbalka dalkiisa Venezuela dartii.

Mr Maduro waxa uu sheegay in wadahadalada uu mucaaridka dalkiisa la furayaa ay qaban karaan oo kaliya dhexdhexaadiyayaasha dalal kale, waxaanu carabka ku dhuftay dalalka Mexico, Uruguay, Bolivia, the Vatican iyo Russia oo kaliya.

Waxaanu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trup uu ku eedeeyey inuu maleegay shirqool lagu doonayo in lagu khaarajiyo, isagoo sheegay inuu la socdo amar Trump uu ku amray dawlada Colombia iyo kooxo Mafia ah inay shirqoolkaasi fuliyaan, inkastoo aanu bixin cadaymo taageeraya eedayntiisa.

“Hadii wax igu dhacaan maalin uun, Donald Trump iyo Madaxweynaha Colombian Ivan Duque ayaa masuul ka ah wax kasta oo igu dhaca aniga” ayuu yidhi Madaxweynaha Venezuela, waxaanu intaasi ku daray “Wakhti xaadirkan, waan ilaashanahay. Waxaanan leenahay hanaan wanaagsan oo difaac ah waxaanu haysanaa ilaalo muhiimad farabadan leh- tani waa badbaado ka timid Illaahay oo isiiyey aniga inaan noolaado.”

Wasiirka Arimaha Dibada Russian Sergey Lavrov ayaa isna sheegay in kuwa ka soo horjeeda Maduro ay dhulka dhigaan dhamaan shruuraha si wada-xaajood u hirgalo.

“Waxaanu ugu baaqaynaa Mucaaridka inay waxa ay dalbanayaan joojiyaan oo ay si wadajir ah oo madaxbanaan uga u ilaaliyaan danaha dadka Venezuela oo kaliya” ayuu Wasiirka ARimaha dibada ruushku uu u sheegay wariyeyaasha. Isagoo intaasi ku daray in aanay aqbali doonin in Xaalada uu uga sii doro qof qofna iyo in aanaan aqbali doonin talaabo dambiile nimo ah. Doorashadii Venezuela way qabsoontay balse hadii la doonayo in doorasho cusub la qabto waa in la sugaa ilaa 2025.
Si kastaba ha ahaatee Waxa uu sheegay inuu taageerayo doorashadii baarlamaanka ee hore.

“Waxay ahayd mid si fiican inoogu dhacday doorashadii Baarlamaanka ee hore, waxaana hab wanaagsan ahaa wadaxaajoodkii siyaasadeed ee aynu yeelanay ayuu yidhi Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee dalka Venesuela, waxaanu intaasi raaciyey “aniga oo sii wadanaya waajibaadkayga hogaaminta ciidanka ee distooriga ah iyo jidkii qarankan loo jeexay”.

Si kastaba ha ahaatee Maduro waxa uu gaashaanka ku dhuftay warar todobaadadii u dambeeyey la isla dhexmarayey oo sheegayey in amaankiisa ay sugayaan Milatari gaar ah oo lala xidhiidhiyey Kremlinka si kor loogu qaaddo amaankiisa.

Hase yeeshee Maduro ayaa xiligan doonaya uu la haedlo mucaaridka dalkiisa xili cunaqabatayno uu maraykanku soo rogay isla markaana la jaray dhamaanba dakhligii jidaalka uga imanayo.

Madaxweynahan xilkiisa lagu muransan yahay ayaa dalka Venezuela xukumayey tan iyo 2013, balse dib u doorashadiisii oo dhacday bishii May ayay sharci daro ku tilmaameen European Union, United States, and the Organization of American States.

Todobaadkii u dambeeyey ayaa dalkan Saliida Qaniga ku ah ee Latin America ku yaala uu dhaqaalihiisa burbursanaa, waxaana xaalada uga sii daray markii Maraykanku hogaamiyaha mucaaridku uu ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Dalkaasi oo ay Aqoonsadeena The United States, Dalal badan oo Latin America ku yaala iyo Canada inuu yahay Madaxweynaha ku meelgaadhka ah.

Halka Shiina iyo Ruushku ay ku dhawaaqeen inaan la faragalin xaalada Venesuela

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here