Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Ka Hadashay Caaladda Caafimaad Ee Wasiirka Caafimaadka Sheegtayna Inuu Cisbitaalkii Ka Soo Baxay Maanta

0
1286

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa ka war bixisay xaaladda caafimaad ee wasiirka wasaaraddaasi Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad iyo nasasho isugu jirta u jiifay cisbitaal ku yaalla magaaladda Hargeysa.

 

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in uu Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Dr Hasan Ismail Yusuf ayaa manta kasoo baxay Cusbitaalkaasi uu MaalmihiI dambeeyey baadhis iyo nasasho Dhinaca Caafimaadka ah ugu jiray. Waxaana la sheegay in wasiirka xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana cagihiisa ku socda, la filayaa inuu wasiirku halkii ka sii wadi doono hawlhii shaqo ee uu qaranka u hayey.

 

Sidaasna waxa warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Yuusuf oo soo saaray qoraal kooban oo uu ku sheegay in xaaladda caafimaad ee wasiir Dr Hasan Ismail Yusuf  wanaagsan tahay kana soo baxay cisbitaalkii uu xaaladda caafimaad ugu jiray muddadii labada maalmood ahayd aadna u fiican tahay xaaladiisa caafimaad.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii shalay ku booqday cisbitaalka wasiirka caafimaadka ILAAHAYNA uga baryey inuu caafimaad siiyo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here