Deg Deg: Murashax Siciid Cudhay Oo Ka Mida Raga Ugu Cad Cad Ee Gobolka Maroodi Jeex Uga Tartamaaya Doorashadda Golaha Deegaanka Oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Ku Bogaadiyey Go’aankii Ku Dalbaday In Doorashooyinka Lagu Qabto 2019-Ka

0
1137

Deg Deg: Murashax Siciid Cudhay Oo Ka Mida Raga Ugu Cad Cad Ee Gobolka Maroodi Jeex Uga Tartamaaya Doorashadda Golaha Deegaanka Oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Ku Bogaadiyey Go’aankii Ku Dalbaday In  Doorashooyinka Lagu Qabto  2019-Ka

 

 

Aqoonyahan Siciid Cabdsamad Axmed (Siciid-Cudhay) oo ah murashax u taagan doorashadda golaha deegaanka ee gobolka Maroodi Jeex ahna raga ugu cad cad ilaa haatan ee shaaciyey inay u sharaxan yihiin  Xildhibaanimadda golaha deegaanka ee Gobolka Maroodi Jeex, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u diray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in xisbigiisu go’aan adag ku gaadhay in aanay aqbalaynin in doorashadda golayaasha wakiilada iyo deegaanadda ee Somaliland aanay dhaafi Karin sannadkan 2019-ka ee ay Xukuumaddu ku qabato doorashooyinkaasi.

Siciid Cabdsamad Axmed (Siciid-Cudhay) oo qoraal uu Saxaafadda ugu talo galay soo saaray, ayaa ugu horeyn dhambaal hambalyo iyo taageero ah u diray guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay in uu ku taageersan yahay hadalkii guddoomiye Faysal uu Xukuumadda iyo dhinacyada ay doorashooyinku khuseeyaan ugu baaqay in doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo Deegaanadda ee Somaliland oo marar badan dib u dhacyo ku yimaadeen lagu qabto sannadkani 2019-ka inta lagu jiro isla markaana Faysal sheegay in aanu xisbiga UCID aqbali Karin in doorashooyinka la dhaafiyo sanadkani 2019-ka dhamaadkiisa.

 

Aqoonyahan Siciid Cabdsamad Axmed (Siciid-Cudhay)  oo ah xildhibaan doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa u sharaxan una taagan ayaa qoraalka uu hambalyada ugu diray go’aanka Faysal doorashooyinka ka qaatay iyo fariin uu Siciid Cabdisamad Xukuumadda baaq ugu diray uu kaga hadlay waxa uu yidhi “Aniga oo ah murashax Siciid Cabdisamad Axmed (Siciid Cudhay) ahna Xildhibaan u taagan doorashadda golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa uga tartami doona doorashadda la filaayo inay Somaliland ka dhacdo, waxaan halkan dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah uga dirayaa guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen, go’aanka adag ee uu ku qaatay inay doorashooyinkii golayaasha wakiilada ee baarlamaanka iyo deeganadda dalka oo mar kale dib u dhac ku yimid aanu xisbiga UCID aqbali doonin inay dhaafta doorashadaasi 2019-ka, hadaba waxaan leeyahay aniga oo ka mida raga doorashadani u diyaarka ah inay ka qaybgalaan gaar ahaan doorashadda golayaasha deegaanka ee Somaliland la sugaayey inay ka dhacdo sannadkan 2019-ka horantiisa waxaan leeyahay waxaanu si buuxda u taageersanahay go’aanka Xisbiga UCID iyo hogaamiye Faysal Cali Waraabe ka qaatay in aan doorashadu dhaafin ee la qabto sannadkani 2019-ka guddihiisa, waxaanan leeyahay waa inay Xukuumaddu dhamaystirto wixii carqalado iyo muran siyaasaddeed ah ee doorashooyinkaasi dib u dhigi kara, waana inay tixgeliso dawladdu dhawaaqa iyo codsiyada shacabka iyo beesha Caalamka ee ku aadan in dalka laga qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah, wa Bilaai Tawfiiq”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here