AKHRI:- Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Nabadaynta beelihii dhawaan ku dagaalamay Dhuumey Ee Jigjiga Ka Socday

0
1341

 

Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey magaalada jigjiga ay dawlad deegaanka Soomaalida ka socotay heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo u dhaxeeyey laba beelood oo colaadoodu daba dheeraatay khasaare badanna ay ka dhaliyey ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi ,
Shirkan waxaa loo xilsaartay guddi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey
Waxaana laga soo saarey qodobadan :

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad
qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah (Aas ), iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here