Qaraxyo Is Xiga Oo Magaalada Muqdisho Ka Dhacay Ayaa Sababay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawa [ Sawiro ]

    0
    897

    Muqdisho (Somalilandrise) Ugu yaraan 14 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen saddex qarax Oo ismiidaamin Ah oo galabta ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
    Qaraxyada ayaa ka dhacay banaanka Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale isku dayey inay gudaha u galaan koox hubeysan. Waxaa sidoo kale goobta qarax ka ag dhow hotelka Hayat iyo xarunta CID.
    “Waxaan arkay meydadka ugu yaraan 14 qof, waxaana macquul ah in dhimashada ay intaas ka badan tahay” waxaas sidaas yiri qof goobjooge ahaa
    Khasaaraha ugu badnaa ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay baabuur rayid ah oo marayey waddada, kuwaasi oo qaraxa uu haleeyey. Waxaana sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah.
    Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay.
    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF.
    Wararka qaraxyada ayaa weli isa soo taraya.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here