Wefti Somaliland Ah Oo Booqasho Waayo Aragnimo Wadaag Ah Ku Soo Gaadhay Wakaalada Maamusha Hawl Gabka Shaqaalaha Ethiopia

0
508

Wefti Balaadhan Oo Isugu Jira Wasiiro Xubno Ka Socday Golaha Wakiilada Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Farsama Yaqaano Ka Socda Wasaaradaha Iyo Haydaha Dawlada Oo Mudooyinkii Udanbaysay Hawlo Shaqo Ujoogay Caasimada Ethopia Ee Adis Ababa Ayaa kulamo balaadhan la qaatay Wakaaladaha kala maamula Shaqaalaha Hawl-gabka ah Ee Dawladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee dalka Ethiopia ayaa ku soo dhamaaday si habsami iyo waayo-aragnimo wadaag leh.
Kulankan oo muhiimadiisu ahayd waayo-aragnimo wadaag iyo hubinta hannaanka dawlada Ethiopia u maamusho shaqaalaha hawl-gabka ah ayaa qayb ka ah qorshaha dawladda ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda JSL
Intii socdaalkan shaqo socday ayey waftigan balaadhan kulamo la qaateen labada Wakaaladood ee kala maamula; Shaqaalaha Hawl-gabka ah ee Dawladda “Ethiopian Public Servants Social Security Agency” iyo Wakaalada Maamusha Hawl-gabka Shaqaalaha rayidka ah “Ethiopian Private Pension Agency” kuwaas oo ay mid walba uga kuur galeen; da’da hawl-gabka Shaqaalaha Ethiopia, xadiga lacageed ee Shaqaalaha looga jaro hawlgabka, odoraska sannad walba dawladdu ku darto sanduuqa hawlgabka, xadiga lacageed ee uu shaqaaluhu ka helo mushaharkiisii marka uu galo hawl-gabka, habka loo kobciyo sanduuqa halwgabka iyo hannaanka loo maareeyo bixinta hawlgabka
Booqashadan waayo-aragnimo wadaaga ah ayaa qayb ka ah socdaalo la rabo in loogu kuur galo hannaanka ay mareen dawladaha horay u tijaabiyey shaqo ka nasinta shaqaalahooda gaadha da’da hawlgabka iyo siyaasada ay ku maamulaan shaqaalaaha gaadha da’da hawlgabka iyada oo tallaabadani imanayso kadib markii lasoo gebogabeeyey Siyaasadda Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ansixin kadib la dhaqan-gelin doono.
Dhaqan gelinta Siyaasada Hawl-gabka ayaa Shaqaale badan oo gaadhay da’da hawl-gabka fursad u siin doonta in ay nastaan iyaga oo lagu dhaqayo siyaasad u damaanad qaadaysa xurmo iyo xoolo u gaar ah halka ay dhalinyarada-na siin doonto fursado ay ku qabtaan kaalmo shaqo oo sare isla markaana ay abuurayso fursado shaqo oo cusub.
Dhaqan gelinta Siyaasadan ayaa Somaliland u horseedi doonta in ay kamid noqoto dalalka ugu horumarsan dhanka dib-u-habaynta Shaqaalaha iyo dawlad wanaaga halkaas oo siyaasadani imika marayso jidkeedii u dambeeyey.
Si Kastaba Ha Ahaate Weftigan Ayaa Ku Dabaqi Doono Shaqaalaha Hawlgabka Ah Ee Somaliland Nidaamyadan Ay Dalalka Deriska Ahi Adeegsadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here