Home Blog Page 709

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo Guray Arrimo Muhiim U Ah Bulshada

0

WAR-SAXAAFADEED: 06/02/2020

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo Guray Arrimo Muhiim U Ah Bulshada

Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta, isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Puntland Oo Albaabada U Laabtay Xafiiskii Guddida Doorashooyinka Somaliya Er Garoowe iyo Sababta

0

Maamulka Puntland Oo Maanta Xidhay Xafiiski Gudida Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Uu Ku Lahaa9 Magaalada Garoowe Re Xarunta Maamulkaas.

Qoraal Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Ayaa Lagu Amray in Maamulka Gobolka Nugaal Re Magaalada Garoowe Uu Xidho Xafiiskaas, Laga Billaabo Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay Febraayo 6, 2020.

Qoraalka Kasoo Baxey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Ayaa Sidoo Kale Waxaa Lagu Farey Dhamaan Mas’uuliyiinta Heer Degmo iyo Heer Gobol in Aan Wax Howl Ah Oo La Xidhiidha Guddiga Doorashooyinka Federaalka Laga Qaban Karin Degmooyinka iyo Gobollada Puntland.

DEG DEG “Anigu Isma Casilayo Umana Socdo In Aanu Shaqaynana Diyaar Ayaanu U Nahay” Guddoomiye C/rashiid Riyo Raac Oo Cadeeyey In Aanu Iscasilidoonin Kana Xunyahay Xubinta Komishanka Iska Casishay

0

“Anigu Isma Casilayo Umana Socdo In Aanu Shaqaynana Diyaar Ayaanu U Nahay” Guddoomiye C/rashiid Riyo Raac Oo Cadeeyey In Aanu Iscasilidoonin Kana Xunyahay Xubinta Komishanka Iska Casishay.

DEG DEG Dawladda Somalia Oo Digniin Culus U Dirtay Dawladda Kenya, Waxyaabaha Ay Uga Digtay Iyo Nuxurka Qraal Ka Soo Baxay Oo Lagu Faah Faahiyey

0

DEG DEG Dawladda Somalia Oo Digniin Culus U Dirtay Dawladda Kenya, Waxyaabaha Ay Uga Digtay Iyo Nuxurka Qraal Ka Soo Baxay Oo Lagu Faah Faahiyey.

DAAWO- Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Looga Yeedhay Golaha Wakiilada, Ujeedada Loogu Yeedhay Iyo Waxyaabaha Ay Guddida Joogtada Ahi Waydiiyeen

0

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Looga Yeedhay Golaha Wakiilada, Ujeedada Loogu Yeedhay Iyo Waxyaabaha Ay Guddida Joogtada Ahi Waydiiyeen.

 

DAAWO- Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Berbera Gaadhay, Ujeedada Socdaalkiisa Iyo Shahaado Sharaf Uu Ku Maamuusay Maayir C/shakuur Cidin

0

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Berbera Gaadhay, Ujeedada Socdaalkiisa Iyo Shahaado Sharaf Uu Ku Maamuusay Maayir C/shakuur Cidin.

DAAWO- Dowladda Soomaaliya Oo Ka Bilawday Madaaradeeda Baadhitaanada Cudurka Loo Yaqaanno Carona-virus.

0

 

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Bilawday Madaaradeeda Baadhitaanada Cudurka Loo Yaqaanno Carona-virus.

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Dhalinta Quwada korantada Ee Ganale-Dawa 

0

Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Abey Ahmed ayaa Xadhiga Kajaray Mashruuca Dhalinta Quwada korantada Ee Ganale-Dawa

Biya xidheenkan oo ay kubaxday lacag dhan 451 million oo dollar ayaa qabanaya biyo dhan 2.57 meter cubed, halka 254 megawatt oo quwada korantada ahna laga dhalin karo.

Mashruucan ayaa kamida mashaariicda Mega Projects loo yawaano ee uu Abiy xadhig jarkooda nasiibka u yeeshay balse fikir ahaan iyo dhisme ahaanba isaga kahoreeyay.

Xigasho; SDM