Home Blog Page 6

Qorshe Marinka Gaza Gargaar Lagu Gaadhsiinayo Oo Socda

0

Qorshaha looga hirgelinayo marinka Qasa dekedda sabaysa si gargaar maraakiibta ay qaadaan halkaa lagu gaarsiiyo, ayaa la sheegay inuu billaabanayo 10 bishan Maarso, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan arrintan Mareykanka , halka Qatar la sheegay inay oggalaatay qaar ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya maraakiibta lagu soo rarayo gargaarka ee la soo marsiinayo Qubrus, halkaa oo ah goob lagu tusayo Israa’iil oo dhankeeda soo dhaweysay hannaankan.

FBI-da Mareykanka oo xidhay sarkaal darajada ciidan ee ugu sarreeya ka gaaray militariga Mareykanka

0

UPDATE: FBI-da Mareykanka ayaa maanta xirtay sarkaal darajada ciidan ee ugu sarreeya ka gaaray militariga Mareykanka , sarreeye Korbein Schultz, oo ah fallanqeeye sirdoon oo ka tirsan guutada 506-aad ee ciidamada lugta ( Fort Campbell) ee gobolka Kentucky, waxaa loo xiray 6-dacwadood oo isugu jira shirqool iyo laaluush,kaddib markii lagu eedeeyay in uu iibiyay sirta dawladda, oo ay ku jirto xogta difaaca Taiwan, istiraatijiyada dagaalka Ukraine, Difaaca Cirka, iyo Nidaamka Gantaalka Madaafiicda Sare ee Ciidanka Mareykanka ee M142 (HIMARS), xogtan ayaa la sheegay inuu ka iibinayay wakiillo ka socda sirdoonka Shiinaha, oo document-tiyada ka siisanayay mid kasta oo ka mid lacag ka badan $42,000.

Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka Oo Oraan Ka Digay Iyo Xaaladda Bariga Dhexe

0

UPDATE: Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka , Jen. Michael Kurilla ayaa lagu warramaya inuu Congress-ka la wadaagay warbixin la xiriirta xiisadda Bariga dhexe iyo halista ka imaan karta Iran.

 

Jen.Kurilla ayaa sheegay in wax soo saarka Iran ee 60% ee uranium-ka aadka loo xoojiyey uu kor u kacay 39% sannadkii hore, taaso ku filan in loo beddelo hubka nukliyeer, wuxuu caddeeyay haddii ay Iran soo saarto hubkaa inay beddeli doonto xaaladda bariga dhexe, isagoo halis kale ku sheegay iskaashiga ka dhexeeya Iran, Ruushka iyo Shiinaha oo hadda isku beddelay mid dhab ah oo ay ku dhisayaan difaac wadajir ah.

 

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Iran ee Shahed “mid ka mid ah khataraha ugu sarreeya” waxay weerarro ka gaysan karaan 2000 km, ayuu yiri. Isagoo ka hadlaya xaaladda Ciraaq iyo Suuriya , wuxuu sheegay in hadda ay jirto habab kumeel-gaar ah oo lagu joojiyay weerarrada, balse xilli walba ay suragal tahay in la weerarro saldhigyada Mareykanka , arrinta kale ee warbaahinta ka soo bandhigtay warbixintan ayaa ah Jen.Kurilla inuusan qarin inay ku dhibtoonayaan helitaanka bartilmaameedyada dhabta ah ee saldhigyada iyo goobaha lagu diyaariyo hubka Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa in ay meesha ka saarto qorshe ay ku aqoonsanayso Somaliland

0

UPDATE: Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa in ay meesha ka saarto qorshe ay ku aqoonsanayso Somaliland iyada oo ay jirto cadaadis caalami ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka ee ka dhalatay soo jeedintaa, ilo-wareed ayaa u sheegay Bloomberg.

Wadahadallo uu dhawaan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Kenya,William Ruto, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu u doonayo in uu “ka laabto” qodobbada ugu badan ee heshiiska, si Itoobiya dib usoo celiso xiriirka Soomaaliya. Ruto ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isna booqasho ku tagay dalka Kenya.

Koox magangalyo doon ah ayaa gudaha u galay xarunta Baarlamaanka Iceland

0

UPDATE: Koox magangalyo doon ah ayaa gudaha u galay xarunta Baarlamaanka Iceland, iyagoo ku hanjabay inay iska soo tuuri doonaan dhismaha Baarlamaanka haddii aan la joojin dood ay Baarlamaanka ka lahaayeen isbeddelka sharciga ajaanibta oo xaddidaya xuquuqda magangalyo doonka.

 

Kulankii Baarlamaanka ayaa la hakiyay , ciidanka ilaalada Baarlamaankana waxay darbiyada ka soo dejiyeen magangalyo doonkii doonayay inuu iska soo tuuro dhismaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden ayaa caawa ku dhawaaqaya marka uu jeedinayo khudbadiisa

0

DEG DEG: Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden ayaa caawa ku dhawaaqaya marka uu jeedinayo khudbadiisa “State of the Union” inuu ku amray ciidanka Mareykanka inay howlgal deg deg ah ka fuliyaan xeebaha Qasa, si ay halkaa uga hirgeliyaan deked kumeel-gaar si ay u noqoto marin gargaar lagu gaarsiiyo Qasa, iyadoo aan la sugeyn Israa’iil , sida u sheegay wargeyska Israa’iil ee Walla oo xigtay saraakiisha Mareykanka.

 

Howlgalkan waxaa la sheegay in looga hortagayo xaaladda macaluusha ee ka sii daraysa ee Qasa , inay ka dhalato dhimashada kumannaanka Falastiiniyiin ah , hannaankana wuxuu noqon karaan mid gargaar ku filan lagu gaarsiiyo Qasa, sida warbixinta sheegtay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY CUTUBYO KA MID NOQONAYA GUUTADA SIDA GAARKA AH U TABABARAN EE GORGOR 

0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY CUTUBYO KA MID NOQONAYA GUUTADA SIDA GAARKA AH U TABABARAN EE GORGOR

Muqdisho, Maarso 7, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

 

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

 

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

 

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

 

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Twitter: @TheVillaSomalia

Go’aano Ka Soo Baxay Maxkamada Sare Ee Soomaaliland, Qodobada La Laalay Iui Kuwa La Qaatay

0

Go’aano Ka Soo Baxay Maxkamada Sare Ee Soomaaliland, Qodobada La Laalay Iui Kuwa La Qaata

 

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay Dacwad Dastuuri ah oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku usoo gudbiyey isaga oo tixraacaya qoraalka Maxweynaha, Dacwadaasi oo nuxurkeedu ku saabsanaa waafaqsanaan la’aanta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Duud ee Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha Xeer Lr 91/2023.

 

Go’aankii oo dhamaystiran hoos ka akhriso.

 

Maxkamada Dastuuriga ah qaraar kasoo baxay Nov. 21, 2022 ayaa doorashada ururada lagaga hoos saaray golayaasha deegaanka, waxaana laga dhigay mid toosa. 

0

SHARCIGA ADIGAA KU NOOL….!!!!

Maxkamada Dastuuriga ah qaraar kasoo baxay Nov. 21, 2022 ayaa doorashada ururada lagaga hoos saaray golayaasha deegaanka, waxaana laga dhigay mid toosa.

 

Maxkamada Sare waxa laga sugayaa inay tafsiir ka bixiso sababta 20% ka loogu dabray ee doorashada tooska ah ee aan gole deegaan wadan?

 

Markii doorashada ururada lagu soo dooran jiray golaha deegaanka waxa shardi laga dhigay inuu boqolayda gobolada ka helo 20% waayo urur kasta waxa khasab laga dhigay inuu 23 degmo doorasho kasoo xulo Musharaxiin gole deegaan.

 

Ta kale doorasho toosa macnaheedu waa hal dheeri sida ta Madaxweynaha oo kale. Codka shacabka Somaliland makala qiimo badna. saxna maaha in doonista cid gaara loo xagal daaciyo dimuqraadiyada. Sidaas markay tahay doorasho cadaalada waxa lagu gaadhi karaa oo kaliya one person one vote.

 

Tartanka Ururada/xisbiyada ama doorasho toos ah ayaa la qaadan oo hal dheeri baa lagu kala baxi ama boqolayda 20% ayaa loo dayn oo golayaashii deegaanka ayaa dib loogu noqon.

 

Waxaan idin ku dhaafayaa “Doorasho Aan Heshiis Lagu Ahayn Dalka Ka Dhici Mayso”.

 

Wabilahi tawfiiq

Mohamed Gacayte

Raysal Wasaare Xamsa oo booqday garoonka Aden Cadde ayaa amray in degdeg loo fasaxo duulimaadyada.

0

Raysal Wasaare Xamsa oo booqday garoonka Aden Cadde ayaa amray in degdeg loo fasaxo duulimaadyada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.