Home Blog Page 324

Puntland Oo DDSi Ku Wareejiyeen Gaadhi Laga Dhacay Iyo Ragii Dhacayba

0

Komishinneerka booliska gobolka Doollo ayaa ku wareejiyay taliyaha booliska gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Puntiland gaadhi laga soo dhacay.

Kulan Masuuliyiinta Iyo Odayaasha Deegaanku ka Yeesheen Weerarkii Shabaab DDSI

0

Kulanwayne wadatashi ah oo ay xukuumaddu la yeelatay odayaal-dhaqameedka Deegaanka oo ku saabsanaa ladagaalanka argagixisada Al-shabaab ayay odayaashu ku canbaareeyeen iskudaygii guracnaa ee ay argagixisadu ku rabtay in ay ku khalkhaliso amniga Deegaanka, balse ay fashileen Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS. Waxa ayna bogaadiyeen dadaalkii xukuumadda iyo dharbaaxadii xoogganayd ee lagu dhuftay argagixisada.

SRTV Somali

Waxaan Farayaa Hay’adda Amniga in Aan La Aqbalayn Mudaharaad sharci darro ah, cidna laga yeeli maayo” Wasiir Kaahin

0

“Waxaan Farayaa Hay’adda Amniga in Aan La Aqbalayn Mudaharaad sharci darro ah, cidna laga yeeli maayo”.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed

 

Ciidamo uu Guddomiyaha Sool Wato oo Boocame Gaadhay iyo Masuuliyiiin Puntlan..

0

Wefdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye ayaa saaka gaaray degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Wefdiga oo ay galbinayaan in ka badan 45 gaadiidka dagaalka ah ayaa goor dhowayd galay magaalada sida ay xaqiijinayaan goob-joogayaal madax-bannaan.

Sidoo kale magaalada Boocame waxa ku sugan wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo ay weheliyaan xildhibaanka laga soo doorto degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.

Dhinaca kale Ciidamadii Puntland xalay gaysay duleedka Boocame ayaa badankoodu u laabtay dhinacaTukaraq kadib markii Saaka aroortii hore Ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq ay hubka culus u rideen dhanka Taliska Puntland.

Wefdiga Somaliland ee hadda gaaray Boocame ayaa sida xogta aan ku helayno u sii gudbaya dhinaca Hawdka ah gaar ahaanna Tuulada Karin-garfood oo maanta Qado loogu samaynayo.

Puntland Post