Home Blog Page 314

Somaliland Waa in ay ogaadaan wixii nabad lagu waayo Colaad iyo qalalaaso lagu ma helikaro” Raysal Wasaare Barte

0

“Somaliland Waa in ay ogaadaan wixii nabad lagu waayo Colaad iyo qalalaaso lagu ma helikaro” Raysal Wasaare Barte

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku saabsan mudaharaadadii shalay Somaliland ka dhacay iyo khilaafka taagan.

“ Waxa aan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadii maalin ee ugu dambeeyay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, waxa aan ugu baaqayaa mas’uulliyiinka Somaliland in ay ogaadaan wixii nabad lagu waayo Colaad iyo qalalaaso lagu ma helikaro”

DEG DEG :- Sheekh Mustafe ayaa khudbadii salaadii Jumce ee maanta kaga hadley khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

0

DEG DEG :- Sheekh Mustafe ayaa khudbadii salaadii Jumce ee maanta kaga hadley khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

Waxuu si adag uga hadley askarta dadka shacabka laynaysa iyo dadka dhibku soo gaadhayso laftigooda .

” Askariga wax dilayaa wuu khaldan yahay aakhiro isaga ayaa la weydiinayaa dilkaas , ka soo diray askariguna danbigiisa ayuu leeyahay .

Kan u dhimaya wax aanu garaneen waa doqon kale

Kuraas ayaa la isku haystaa adiga mid-na dantaada sooma wado , kan wax dilaayoos adigu kursiga fadhiisan maysid , kan la dilaayo isna ku fadhiisan maayo .

Dadkiina halkan fadhiyoow hadii ay askari idinku jirto waxaan idin leeyahay waar dadka ha laynina , waar dadkiinan shacabkow idinkuna ha tagina meesha laydinku dilaayo ….” Sheekh Mustafe

Wasiiradii Booqday Shaawacyadiu Oo Lacag la,aan Uga Dhigay Daweyntooda

0

WAR-SAAFADEED

Hargeysa-12-08-2022()- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa soo booqday dadkii shacabka ahaa iyo Ciidamadii ku dhaawacmay qaskii iyo qalalaasihii ay shalay sameeyeen labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid.

Wasiirada ayaa si guud u soo arkay xaalada caafimaad iyo dhaawacyada soo gaadhay Ciidamada Booliska iyo dadka shacabka ah labadoodaba, Wasiirada ayaa u rajeeyey in Eebe caafimaad degdeg ah siiyo inta dhibaatadaa ku dhaawacan tahay , intii dhimatayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo ehelkoodii iyo qaraabadoodii intaba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa amray in dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaadheen loo daweeyo lacag la’aan, ayna dawlad ahaan masuul ka yihiin bixinta adeegyada caafimaad ee lagu dawaynayo dadka dhaawacmay.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

DEG DEG Canfarta Oo Hadda La Wareegtay Dhulkii U Dambeeyey Ee Somalida

0

DEG DEG Canfarta Oo Hadda La Wareegtay Dhulkii U Dambeeyey Ee Somalida ee Degmada Cundhufa haba yaraatee wax iska caabin ah kalamay kulmin sida la sheegay

Waxa la maqlayey dhawaqa rasaas aan badnayn iyo qaylada Haween iyo caruur waxaanay ku faanayaan canfartu inay la wareegeen deegaankan maanta oo jimce ah