Home Blog Page 313

Somaliland Iyo Maraykanka Oo Arrimaha Amaanka Ah Ka Shiray

0

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefti ballaadhan oo ka socdey Dawladda Mareykanka, oo Dowladda Somaliland xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa weftiga si diiran ugu soo dhoweeyey Xafiiskiisa, isaga oo war bixin dheer ka siiyey xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ta madaqanta Geesk Afrikaba.

Wasiirka ayaa ka war bixiyey nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland,taasoo ku timi dedaal iyo isku duubnida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale Wasiirka ayaa weftiga uga waramay horuumarka ay gaadhay Somaliland, Dumuqraadiyada, Doorashooyinka, Xorriyatul-qawlka iyo Nabad ku wada noolaashaha wadamada jaarka la ah Somaliland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay Somaliland nabada kala shaqayso wadamada jaarkeeda, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu wada ammaanay guulaha ay ka gaadhay nabada iyo horuumarka.

Weftiga ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kulankan muhiimka ah kala qayb galay, weftiga ayaa Somaliland ku ammaanay nabadgelyada, horuumarka, Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka, waxayna muujiyeen sida Dawladda Mareykanku ay diyaar ugu tahay la shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo waqtigan xidhiidhka Somaliland iyo Dawlada Mareykanka uu meel fiican marayo.

Kulankan Wasiirka waxaa kala qayb galay:

1- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.
2-Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
3-Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf (Libaax).
4-Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).
5-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye.
6-Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).
7-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
8-Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed.
9-Maayar Kuxigeenka Caasimada Khadar Axmed Cumar.

Dhinaca Weftiga Mareykanka ah:

1- Ambassador Tibor Nagy, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, soona noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya iyo Guinea.

2- Ambassador John Peter Pham, Ergigii hore ee gaar ka ahaa Dawladda Mareykanka u qaabilsanaa Sahel Region of Africa.

3- William E. Ward, Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Mareykanka iyo Ciidamada AFRICOM.

4- Joshua Meservey, Madaxa Hay’adda Cilmi Baadhista Mareykanka ee Heritage Foundation.

Delegation Members:

  1. Ambassador Tibor Nagy, former United States Assistant Secretary of State for African Affairs, and a former American ambassador to Guinea and to Ethiopia.
  2. Ambassador John Peter Pham, former the United States Special Envoy for the Sahel Region of Africa.
  3. William E. Ward, a retired United States Army four-star general and former Commander of AFRICOM.
  4. Joshua Meservey, Research Fellow, Africa and the Middle East at The Heritage Foundation.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Xildhibaan Abiib iyo Dareenkiisa Xaalada Taagan

0

Xildhibaan Abiib iyo Dareenkiisa Xaalada Taagan

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Maraykanka.

0

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Maraykanka

Hargeysa-13-08-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo. Waxa kale oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo kala duwanna ay qaar ka midi dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen
Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika

Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Sahel.

Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William “Kip” Ward
Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

“Kaca Reer Somalilanow oo Muuse Biixi Iyo Ina Kaahin Yaanay Dalka Inaga Baabi inun” Guddoomiye Faysal

0

Halkan ka daawo hadalka fayasl Cali waraabe.