Home Blog Page 297

Waan Ka Xumahay In Culays Lagu Saaray Hamadada Hargeysa In Aanay Mucaaridka Soo Casuumin” G.Xirsi

0

“Waan Ka Xumahay In Culays Lagu Saaray Hamadada Hargeysa In Aanay Mucaaridka Soo Casuumin” G.Xirs

Hambalyo, dhammaan ardayda maanta ka qalin-beddelatay Jaamacadda Hargeysa. Waxa aan ku faraxsanahay inaad gaadheen yool ka mid ah yoolashii aad nolosha ka lahaydeen oo maanta aad xaqiijintiisii u dabbaaldegaysaan. Waxa sidoo kale hambalyo mudan waalidkii iyo ehelkii idinla garab taagnaa taageerada iyo niyad-dhiska joogtada ah.

Dhinaca kale, maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Hargaysa ayaa iyaguna mudan in lagu bogaadiyo inay tamartooda iyo wakhtigooda geliyaan sidii ay u soo saari lahaayeen arday ku hubaysan aqoon kuwaas oo naftooda na anfaca dalkooduna uu u aayo.
Intaa in la mid ahna waxaa leeyahay dhammaan ardayda tirada badan ee iyana dhawaan ka qalin-beddalan doona Jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Ugu dambayn, waxa aan ka xumahay in xukuumadda hadda talada haysaa ay Jaamacadda iyo maamulkeeda culays ku saartay in aan xafladda qalinjebinta lagu casuumin asxaabta mucaaradka ah.

Waa tallaabo muujinaysa taagdarrida iyo baqaha ay xukuumaddu ka baqayso fagaarayaashaa la isugu yimaaddo. Waa xilkasnnimo-darro baaxad leh.
1,400 oo arday oo qalin-beddelanaya in aan haba yaraatee wax rejo ah Madaxweynuhu u sheegin ayaa masiibo kale ah. Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu ardayda ku canaantay inaanay daraasayn sababta marka doorashooyinku soo dhawaadaan khilaafku dalka ugu aloosmo iyo in Jaamacaduhu aanay xalka ka qayb qaadan, hase yeeshee hadalkaas waxaan u arkaa mid daw-darro ah, in Madaxwaynuhu khilaafka abuuro xalkana uu Jaamacadaha ka daydayaa! Waa hogseeggii aynnu uga barannay.

Run ahaantii, madal noocaas oo kale ahi umay baahnayn khubad gole-ka-fuul ah oo aan sinnaba u taabanayn qorshe qaran iyo aayaha ardayda loo fooladaynayo toonna.