Home Blog Page 296

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Ee U Horreeyey Somalia

0

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Hamza Abdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee #TICAD8 – kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasaarradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.