Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Guddiga Farsamo ee Heshiiskii Is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

0
53

Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Guddiga Farsamo ee Heshiiskii Is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa – 20/03/2024 – (Warbaahinta KULMIYE)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa shir kula yeeshay Guddiga Farsamo ee heshiiskii Is-afgarad ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad, ahna Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane, Saleebaan Cali Koore iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga, Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxay kulan is-xogwaraysi ah la yeesheen xubnaha Guddiga Farsamo ee Madaxweynaha Qaranku u igmaday dhammaystirka heshiiskii Is-afgarad (MOU) ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Xubnaha Guddiga Farsamo, waxay xog-warran faahfaahsan ka siiyeen hoggaanka xisbiga hawlahooda shaqo iyo waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay, isla markaana waxa la is-waydaarsaday talooyin kala duwan oo la xidhiidha arrinta heshiiska.

 

Dhankooda hoggaanka KULMIYE, waxay u caddeeyeen Guddiga taageerada xisbigu u hayo heshiiska is-afgarad ee dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay tilmaameen muhiimada uu u leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda iyo sida loogu baahan yahay inuu noqdo mid midho-dhala oo loo beddelo heshiis rasmi ah.

 

Waxa kaloo hoggaanka xisbiga KULMIYE ku hambalyeeyeen Guddiga Farsamo hawlaha shaqo ee ay hayaan, waxaanay ku booriyeen in ay sii wadaan kulamada xog-urursiga ah ee ay la leeyihiin qaybaha bulshada ee kala duwan.

 

Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Cali Jaamac Maxamed