Askari Jeelka Berbera Ku Toogtay Wiil Dhalinyaro ah

0
53

Askari ka mida Ciidanka Asluubta jeelka wayn ee Berbera ayaa xabad ku dhuftay Will yar oo adeeg u siday maxbuus xabsiga ku jira, kaas oo madaxa uu kaga dhuftay xabad sida uu ku waramay Weriye Sidiiq Carab oo ehelka marxuumka la xidhiidhay.

 

Askarigii Wiilka yar toogtay ayaa goobta ka baxday lamana qaban markii uu falkaasi geeystay, waxaana ku daba jira ciidanka amaanka ayuu weriyuhu yidhi.

 

Maydka Wiilka la dilay ayaa hada la dhigay qolka Maydka ee Cusbitaalka wayn ee Berbera.