Raysal Wasaaraha Somalia Oo Taliska Booliska Gaadhay Iyo Ujeedada

0
57

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha. Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo Nisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

 

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.