Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay eedaymo shalay uu u jeediyay xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga Waddani.

0
25

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay eedaymo shalay uu u jeediyay xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga Waddani

 

Agaasimaha guud ee arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qoraalkan soo saaray.

 

“Hayadda duulista iyo Madaarada JSL (SLCAAA) iyadoo ku jirta dedaal is daba joog ah oo lagu difaacayo hawadeeda (Somaliland Airspace) ee ay weerarka sharci darada ah ku soo qaaday Somalia , Xukuumad iyo shacaba heegan buuxa lagu jiro sidii arimaha hawadeena iyo masiirkeena gacanteena ugu Haysan lahayn si weyna shacabkeenu u muujiyay inay dawladooda ku garab taagaan yihiin sugida qaranimada JSL.

 

Shalay waxaaan daawaday nin dhalinyaro ah oo ka tirsan xisbiga wadani oo aqoon iyo waayo aragnimo midna aan u lahayn arrimaha Aviationka, kaas oo ka hadlaaya diyaarad cilad farsamo ku timi shalay dhaliilna arintaas ka dhigaya.

 

Laba jeerba waa nasiib daro, maanta may ahayn maalintii la is dhaliili lahaa hadiiba ay jirto arrimahaa waxay ahayd maalintii qaranka la is bar bar istaagi lahaa midna la noqon lahaa.

 

Ta labaad, Waxaan doonayaa dadka shacabka inaan fahamsiiyo sida ugu fudud, tusaale ahaan

Hadii gaadhiga aad wadato kaa banjaro oo aanad haysan taayir kayd ah, dhaliishaas ma waxa leh darawalka iyo mulkiilaha gaadhiga, mise Dawlada.

 

 

Arintan waxa garsoore ka ah shacabka Jamhuuriyada Somaliland, oo runtu hortooda timid.

 

Ugu dambayn, waxaan xasuustay hees murti badan xambaarsan oo ah.

 

(Cilmiga ha lugu dhigee Caqliga kaashabaa la yidhi)