Shirkii Kulmiye Ee Guddoomoyeyaasha Oo Lasoo Xidhay

0
34

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo soo Xidhay Tabobar u socday Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Hargeysa

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xarunta dhexe ee xisbiga tabobar muddo saddex maalmood ah uga socday Guddoomiyeyaasha xisbiga ee gobollada waaweyn ee dalka iyo degmooyinka caasimadda Hargeysa.

 

Xafladda xidhitaanka tabobarka oo ay Guddoomiyaha ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xoghayaha Guud ee xisbiga, Mudane, Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Mudane, Cabdinaasir Muxumed Buuni, masuuliyiin kale iyo Siyaasi Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase), waxa khudbado halkaasi laga jeediyey kadib shahaadooyin la gjuddoonsiiyey ka qaybgalaashii tabobarka.