Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa si dadban ugu jawaabay Qurbajoog Oo Jabhad Ku Baaqay

0
35

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa si dadban ugu jawaabay Qurbajoo Soomaaliyeed oo ku baaqay in jabhado Ethiopia la dagaallama laga aasaaso Deegaanka Soomaalida.

 

Akhri qoraalka madaxweyne Mustafe Muxumed.

 

“Shacabka Deegaanka Soomaaliddu wuxuu la soo darsay marxalado adag oo qayrkii ka reebay. Uma xiiso qabo, mana xamili karo colaado iyo cabudhisyo ka dasha dhulkooda oo noqda meel loo soo raro dagaalo aan iyaga dan ugu jirin. Waa wax lala yaabo in loo arko inay yihiin xaabo la shidi karo maalintii cid kale dareento in muraadkeedu ku jiro inay iyagu gubtaan!

 

Shacabka Deegaanku wuxuu ku jiraa xiligii uu abidkii ugu wanaagsanaa dhanka Nabadgalyadda, Xorriyadda, iyo Horumarkaba. Waxaa dantiisu ku jirtaa inuu sii xoojiyo waxa u qabsoomay oo lagu gaadhi karo uun daganaansho siyaasadeed iyo amni. Dheg uma dhigayaan codadka ka soo yeedhaya meelaha fogfog ee raba inay galaaftaan nafiska iyo nolosha bilowga ah ee ay maanta haystaan.

 

Hadii ay halgamayaana waxay u halgamayaan hadafyo iyo himilooyin ay iyagu leeyihiin ee u halgami maayaan hawlo ciddi lahayd baylihisay oo iyaga lagu soo giraangirinayo!”