Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Ethiopia bad helikarto haddii

0
21

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Ethiopia bad helikarto haddii ay si wanaagsan ku doonaan oo wadahadal ay la galaan dawladda Soomaaliya.

 

“ Su’aashu waxa weeye sidee ayaa ay Ethiopia ku heli kartaa marin badda ah? Waan u sheegay Raysal Wasaaraha Itoobiya in uu joojiyo hadalladan uu ku celcelinayo ee “marrin badda ah”; waa aad helaysaa marrin badda ah; keliya noo kaalay oo nala xaajood; aynu samayno “Guddi Farsamo” aynu isku afgaranno sida aad u helaysaan”.

 

Waa markii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, sheego in Ethiopia haddii ay bad doonayso ay soo marto xukuumadda Soomaaliya.

 

TV-ga Al-carabiya ayuu sidan ka sheegay.