WAR CUSUB :- Xeerkii Doorashooyinka Somaliland ee Golaha Wakiiladu Ansixiyeen oo muran cusub la galinaayo .

0
70

WAR CUSUB :- Xeerkii Doorashooyinka Somaliland ee Golaha Wakiiladu Ansixiyeen oo muran cusub la galinaayo .

Ilo xog ogaal ah oo ay Ilays News ka heshay ilo looga qaateen ah waxay u xaqiijiyeen in Xeerkii Doorashooyinka ee dhawaan Golaha wakiiladu ansixiyey la gelin doono Khilaaf cusub .

 

Xogta ayaa sheegaysa in Gudoomiyaha Guurtidu Todobaadkan bilowgiisa sheegi doono in Golaha wakiiladu sharci daro iyo dastuur jabin uu sameeyey oo xeerkii madaxweynuhu dib ugu soo celiyey golaha Guurtida .

 

Sidoo kale Gudoomiye Saleeban ayaa isla maalintaas la filayaa inuu golaha Guurtida geliyo fasax 2 bilood iyo badh ah .

 

Dhanka kale Golaha Wakiilada ayaa iyagu maanta xeerkii Doorashooyinka ee ay ansixiyeen u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland .

 

Arintan ayaa hadii ay dhacdo waxay sabab u noqon kartaa inuu dalku galo khilaafkii ugu adkaa ee Doorashooyinka .

 

Xigasho: Ilays News