“Sharciyan waa in Golaha Guurtida Dib Loogu Celiyaa Mar Kale Xeerarka Doorahooyinka” Garyaqaan Maxamed Ciise Aadan

0
44

“Sharciyan waa in Golaha Guurtida Dib Loogu Celiyaa Mar Kale Xeerarka Doorahooyinka” Garyaqaan Maxamed Ciise Aada

 

” Mashruuca sharci ee maanta Golaha wakiiladu diideen wax ka badalka iyo kaabista guurtidu ku samaysay waxa uu ku noqon doonaa Golaha Guurtida Kal fadhiga kan ku xiga si waafaqsan Qodobka 78aad faqradiisa 1aad xarafka (T) kaas oo sheegaya T- Haddii Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in mashruuca-sharciga kal-fadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed, mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.

 

Hadaba maanta Golihii wakiiladu wuxuu ogolaan waayay wax ka badalidii uu soo jeediyay Golaha Guurtidu sidaa daraadeed golaha wakiiladu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu kal-fadhiga xiga dib ugu celiyo golaha guurtida kaas oo hadii golaha guurtidu hadii uu ogolaan waayo ama bil gudaheed ku soo jawaabi waayo ka dhigaysa xeerkan mid ansax ah oo madaxweynaha gaadha balse xeerkani maaha mid hada madaxweynaha si toos ah ugu tagaya.

 

[