Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa garab is-taag u muujiyey Soomaaliya kadib is-afagaradkii ay magaalada Addis-Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland

0
40

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa garab is-taag u muujiyey Soomaaliya kadib is-afagaradkii ay magaalada Addis-Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland 1-dii Janaayo.

 

Is-afgaradkaas ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

 

“Ayada oo ay ka go’an tahay ixtiraamka madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah, si waafaqsan Axadiga Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) iyo xeerka caalamiga ah, iyo kadib Is-afgaradkii iskaashi iyo wada-shaqeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii Janaayo 2024, Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay muujinaysaa diidmadeeda ku aadan ficil kasta oo ku xadgudbaya madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

“Xoghaynta Guud waxay soo cusboonaysiisay garab istaagga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, lana ilaaliyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.”

 

Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba difaacay is-afgaradka.

 

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

 

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.Sidoo kale, waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.Dhinaca kale, Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii