Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qayla-dhaan u Dirsaday Dalka Masar iyo Nuxurka Wada-hadal Dhexmaray Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi

0
36

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qayla-dhaan u Dirsaday Dalka Masar iyo Nuxurka Wada-hadal Dhexmaray Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi

Qaahira (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhiggiisa dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Masar Axmed Fahmy.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Labada madaxweyne ka wada hadleen xidhiidhka labada waddan iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wadajirka isla markaana loo sii xoojin lahaa xidhiidha taariikhiga ah ee labada dal wadaagaan.

Af-hayeenka Madaxtooyada ahna La-taliyaha madaxweynaha Masar waxa uu sheegay in wada-hadalka khadka telefoonka ee labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha ka soo cusboonaaday Gobolka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne El-Sisi uu u xaqiijiyay dhiggiisa Soomalaiya mowqifka Masar ee ah inay garab taagan tahay Soomaaliya isla markaana taageerayso amnigeeda iyo xasiloonideeda.

In kasta oo aanu afhayeenku sheegin xaaladaha ka soo cuboonaaday Gobolka ee laga wada-hadlay, haddana waxa la rumaysan in sababata Xidhiidhka madaxweynaha Soomaaliya la sameeyey dhiggiisa Masar ay ku lug leedahay heshiiska dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo madaxda Soomaaliya si weyn uga qayliyeen.

Heshiiska isfaham oo shalay Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa u oggolaanaya Ethiopia inay Somaliland ka hesho saldhig ay ka hawl-galaan Ciidanka Badda Ethiopia, kaas oo cabbirkiisa lagu sheegay 20KM oo ku teedsan xeebaha Somaliland.

Taas Beddelkeeda, Somaliland ayaa dhammeystirka heshiiska ku xidhay inay Dowladda Ethiopia waddan madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la sheegay inuu heshiiska ku jiro Saami ay Dowladda Somaliland ku yeelanayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn qaaradda Afrika.

Masar iyo Ethiopia ayaa ah laba awoodood oo xafiiltan siyasadeed iyo mid juquraafiyeed ka dhexeeyo, iyagoo si weyn isugu khilaafsan Biyaha webiga Nile-ka oo ishiisa ugu weyni ka bilaabanto dalka Ethiopia.

Biyaha Webiga Nile oo dhaqaalaha iyo nolosha dadka Masar ku tiirsan yahay, ayaa xurguf ka dhex abuuray labada waddan, kaddib markii Ethiopia hirgelisay dhismaha biyo-xidhiidheenka ugu weyn qaaradda Afrika ee GERD oo wax weyn ka beddelay ama Yaraynaya qulqulka Biyaha webiga Nile.

Source: Somalilandpost Media Inc.