⚡️ Dagaalka Qasa ayaa galay maalintii 82-aad,waxaad akhrin karta dhacdoooyinkii ugu weyna 24-kii saac ee u dambeeysay; 

0
32

⚡️ Dagaalka Qasa ayaa galay maalintii 82-aad,waxaad akhrin karta dhacdoooyinkii ugu weyna 24-kii saac ee u dambeeysay;

 

•Intii u dhaxaysay Sabtidii iyo Talaadadii, 858 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qasa 1598 kalana waa lagu dhaawacay. 241 qof oo ka mid ah waxaa la dilay 24-kii saac ee u dambeysay , halka la dhaawacay 382, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa.

 

• Kooxaha iska caabinta ayaa dhankooda kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan ciidanka Israa’iil ee ku sugan Qasa, iyadoo muuqaallada la soo gudbiyay ay ku muujiyeen tiro badan oo YH inay dileen, halka gaadiid badan ay ku burburiyeen weerarradii 24-kii saac ee u dambeysay, sida ay ku sheegeen bayaan ay baahiyeen.

 

• Xisb**h , ayaa sidoo kale weerarro khasaaro dhimasho iyo burbur dhaliyay ka geysatay xadduud Lubnaan ee saldhigyada ciidanka Israa’iil, sida ay sheegtay Aljazeera.

 

• Maamulka Qasa ayaa markii u horreysay sheegay inay arkeen meydad ay ka maqanyihiin xubno ka mid ah jirka , iyagoo ku eedeyay inay la baxeen ciidanka Israa’iil, sida ay ku warrantay Aljazeera.

 

• Lix falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen Nur Shams oo ku taal magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Tulkarem, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Falastiin ee Waafa.

 

•Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay in Sigrid Kaag uu noqon doono Isku-duwaha sare ee bani’aadamnimada iyo dib-u-dhiska ee Qasa. Kaag ayaa dusha kala socon doonta shixnadaha gargaarka bini’aadminimo ee la geynayo Qasa, sida ku cad qaraarkii Qaramada Midoobay ee dhowaan soo baxay.

 

•Wakiilka Falastiin ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour, ayaa u qoray madaxweynaha golaha ammaanka in weerarada Israa’iil ay sii xoogeysteen tan iyo markii qaraarka Qaramada Midoobay la ansixiyay.

 

•Wasiirka Istaraatijiyadda Israa’iil,Ron Dermer ayaa la sheegay in uu Washington kula kulmay La-taliyaha Ammaanka Qaranka Maraykanka,Jake Sullivan, halkaas oo ay ka wadahadleen sidii loo heli lahaa heshiis cusub oo lagu sii daayo maxaabiista.

 

• Kooxda Yemeniyiinta ayaa qaaday dhowr weerar 24-kii saac ee u dambeeyay, iyadoo Mareykanka uu ku andacoonayo inuu soo riday 12 diyaaradood ee nooca aan duuliyaha lahayn ee kooxda Yemeniyiinta.

 

• Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, ayaa si adag u cambaareeyay Israa’iil , isagoo ku sheegay xasuuqa ay ka geysanayso Qasa, inuu yahay “bahdil bini’aadanimo.”

 

•Afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, Ramazan Sharif, ayaa wacad ku maray inay u aargudi doonaan Taliyihii ay Israa’iil ku dishay Suuriya, Sayyed Razi Mousavi.

 

Iman jama