Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kiiska shilka ee uu ku lug leeyahay wiilkiisa

0
37

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kiiska shilka ee uu ku lug leeyahay wiilkiisa

Muqdisho, December, 14, 2023 : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wiilkiisa aanu ka soo cararin dalka Turkiga, kaddib markii shil geystay dhimasho uu ku galay magaalada Istanbul, waxaana uu intaa ku daray in uu wiilkiisa kula taliyay in uu dib ugu laabto oo uu isku soo taago maxkamad.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee AP ayaa u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah, oo dhaqtar ah uu muddo maalmo ah kusii sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ee magaalada Istanbul.

 

“Wuxuu ahaa shil muu cararin, ee waxa uu u qabsaday qareen u doodaya,”Ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaas ku daray in aanu jirin wax amar ah oo lagu xidhayo wiilkiisa.

 

Wuxuu sheegay madaxweynuhu wiilkiisu inuu ganacsi ku leeyahay dalka Turkiga.

 

Waxaanu yidhi.”Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu horyimaado maxkamadda. Laakiin wiilkayga waa nin weyn,”

Madaxweyne Xasan isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray. “Go’aankiisana isaga ayaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,”

 

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska Gocer.

 

Waxaanu yidhi.”Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Gocer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro. Waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda.

 

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkeyga uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha dalka Turkiga,”Ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigaas ku sheegay xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo uu kusoo bandhigay qorshaha amni ee dowladdiisa.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn sheegay inuu Turkigu yahay dal dal walaal la ah Soomaaliya, islamarkaana uu ixtiraameyo shuruucda iyo caddaaladda iyo nidaamka garsoor ee dalkaas.