Maraykanka Oo Wax Ka Bedelay Nidaamka Difaaca Ee Somaliland Khuseeya

0
48

Congress-ka Marakanka ayaa wax ka baddel ku sameeyay Xeerka guud ee difaaca Maraykanka ee NDAA (National Defense Authorization Act) qaybta Somaliland khusaysa.

 

Wax ka beddelkan oo uu Congress-ka u gudbiyay Senator James Rich ayaa lagu sameeyay qaybaha khuseeya Iskaashiga dhanka Millatariga ee Maraykanku la yeelanayo Somaliland.

 

Qaybta ugu horraysa ee wax ka beddelka lagu sameeyay ayaa lagu sheegay in:

 

  1. Somaliland oo Deked weyn iyo garoon diyaaradeed oo baaxad weyn ku leh Magaalada Berbera

 

A. Ay ku taallo goob Juqraafi ahaan muhiim ah oo ku taal geeska Afrika

B. Ay la jaar tahay marin biyoodyada Istaraatijiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed

 

Sidaa daraaddeed ay gacan ka gaysan karto ujeeddooyinka Millatari ee Maraykanka, marka la eego xaaladda amni ee gobolka ka jirta.

Taasina ay Maraykanka u saamaxayso in uu si toos ah ula macaamilo Somaliland isla markaana uu u adeegsado Dekedda Berbera inay noqoto meel laga galo geeska Afrika isla markaana fududaysa hawlaha qaybinta gargaarka ee geeska Afrika iyo dalalka ka shisheeyaba.

 

  1. In wasaaradda gaashaandhiggu warbixin ka keento doorka ay dawladda Shiinuhu ku leedahay hurinta xasaradda gobolka Sool ee Somailand.

 

  1. Guddiyada Senetka iyo Congress-ka ee ay khusayso ayaa daraasad ku sameeyay sida Joogitaanka maraykanka ee Somaliland gacan uga gaystan karto

 

a. Siyaasadda Maraykanka ee Ku wajahan badda cas, Marin-biyoodk Indo Pacific iyo geeska Afrika

 

Dawladda Maraykanka ayaa Sannadkii hore meel marisay heshiiska Iskaashiga Somaliland Iyo Maraykanka kaasoo dawladda Maraykanka u oggolaanaaya inay si toos ah ula macaamisho Somaliland isla markaana ay saldhig millatari ka samaysato magaalada dekedda ah ee Berbera.

 

Cabdiraxmaan Hayaan

Somaliland News Agency

 

Links https://www.congress.gov/amendment/118th-congress/senate-amendment/821/text