๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐“๐š๐ก๐ซ๐ข๐ข๐›๐š๐ฒ ๐จ๐จ ๐Š๐ž๐ฅ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐›๐š๐๐ค๐ž๐ž๐๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ง๐š ๐œ๐จ๐๐ฌ๐ข ๐ฎ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ญ๐š๐ฒย ย 

0
48

๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐“๐š๐ก๐ซ๐ข๐ข๐›๐š๐ฒ ๐จ๐จ ๐Š๐ž๐ฅ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐›๐š๐๐ค๐ž๐ž๐๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ง๐š ๐œ๐จ๐๐ฌ๐ข ๐ฎ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ญ๐š๐ฒ

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ – Hooyo Basra Haybe Xasan iyo laba hablood oo ay dhashay ayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, utagey inay Kelyahooda u iibiyaan wiilyar oo Magafuhu madaxiisa dul dhigey lacag jeebkooda iyo ka xigaalkooda toona ku jirin, basle Kelyihii ubadkeeda ay lacag ku weyday.

 

Hooyo Basra, waxa ay sheegtay markii ay la tashatay dhakhaatiirta in ay ku wargeliyeen in aan Kelyaha lagu iibsan cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa ay tilmaantay in markii ay ku hungowday dalabkeedii ahaa in Kelyaha hablaheeda laga iibsado in ay muddo badan ooyaysay iyada oo ka xun jawaabta dhakhatiirtu siiyeen iyo hayn laโ€™aanteeda.

 

Hooyadan oo duruufta haysata cid ugargarta wayday ay wajigeeda ka muuqato, waxa ay xustay in hableeda oo geeriyooda ay ka doorbiday in Magafe cidla ku haysto wiilkeeda, sida ay u sheegtay Telefishanka Universal oo goobta kula kulmay.

 

Haddaba fariinta hooyadani waa in bulshada wax haysata wiilkeeda ka siidayaan Magafaha haysta, lagana bixiyo lacagta ay awooda u waayeen ku khasabtay inay Kelyahooda u iibiyaan.

 

Hablahan ayaa hooyaddood u soo sii itaal dhacaysa u soo raacay si ay garab ugu noqdaan walaalkooda magafuhu haysto.

 

Waxaaney tidhi.โ€œHooyo waxa aanu cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa unimid in wiil aan dhalay aan Kalyaha uga saaro, wiilka iga tahriibay aan kaga bixiyo kharashka Magafuhu u haysto wiilkayga, balse cisbitaalkii wuu iga diiday, dhakhaatiir badan ayaan la kulmay, aniguna halkii ayaan ka ooyay, wiilasheyda ayaa iiyimid, isaga oo lug iyo gacan ka jabay ayuu xeyaha Liibiya ku jira, marka sidaas ayaan saaka ku soo kicitimay in aan labada habloodba qalo, iyaga haddii ay toodii noqoto dalkoodii hooyo ayaa lagu aasaya, balse isagu dalkiisi majoogo, meelbu cadilan yahay isaga oo jabjaban oo aan dhakhtarna la gayn.

 

Hablahaygu waxa ay igu yidhaahdeen, โ€˜Hooyo adduun aan Kelyahayaga ahayn mahayno ee cisbitaalka nagee, Kelyahayaga ayaanu u xaraashaynaayeโ€™,.

 

Qorshahayagu waxa uu ahaa in saddexdayaduba aanu Kelyahayaga iibino oo dhakhaatiirtu naqasho balse way iga diideen.

Bulshada Muslimiinta ah waxaan ka codsanaya inay ILLAAHEY dartii igu soo naxariistaan wiilka yar, si ILLAAHEY idiinkana idiinku naxariisto.

 

Aniga iyo hablahaygu markii aanu tashanay, ee tallo nagu cadaatay midkasta waxay tidhi labadeyda Kalyood ayaan usaaraya.โ€

 

๐‡๐š๐๐๐š๐›๐š ๐œ๐ข๐๐๐ข๐ข ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐ฎ๐ ๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ช๐š๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐ฌ๐ข๐ข๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š๐ง ๐ฐ๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐š๐ฒ ๐š๐ฐ๐จ๐จ๐๐š๐ง ๐ก๐š๐ฐ๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ญ๐ž๐ฅ๐ž๐Ÿ๐จ๐จ๐ง๐ค๐ž๐ž๐๐š ๐ ๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐ŸŽ๐Ÿ”๐Ÿ‘๐Ÿ”๐Ÿ—๐Ÿ๐Ÿ–๐Ÿ”๐Ÿ”๐Ÿ—

.