Muxuu Culimada Kismaanyo U Sheegay Raysal Wasaare Xamse 

0
38

Muxuu Culimada Kismaanyo U Sheegay Raysal Wasaare Xamse

 

Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta sida ansixinta xeerarka Xajka, Sakada iyo dhisitaanka Golaha Culimada Soomaaliyeed.

 

Waxa uu ka codsaday in ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland iyo in bulshada ku dhaqan gobolka loo bidhaamiyo afkaarta gurracan argagixisada.

 

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.