Duqaymo Maraykanku La Beegsaday Saraakiil kacaanka Iran ah oo Xaalad Sababtay 

0
44

Duqaymo Maraykanku La Beegsaday Saraakiil kacaanka Iran ah oo Xaalad Sababtay

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay goor dhow in ciidamada cirka ee Maraykanka iyagoo adeegsanaya diyaaradda gantaalaha xambaarta ee F-15 inay caawa duqeymo cirka ah ka fuliyeen goobo lagu kaydiyo hubka oo ay leeyihiin “Ciidanka Quds” ee Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku taalla bariga Suuriya.

 

Austin oo sii hadlaya ayaa yiri, “Maraykanka wuxuu si buuxda u diyaariyey in uu qaado tallaabooyin dheeri ah oo lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo dadkeenna iyo xarumahayaga. Waxaanu ku boorrinaynaa in laga soo horjeesto wax kasta oo colaadda hurinaya, keenayana inay ballaarato.”

 

Dhinaca kale Warbaahinta Dawladda Suuriya ayaa ku warramaysa dhowr xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran inay dhinteen, kuwa kalana ay dhaawacmeen, kaddib duqeymo uu Mareykanku ka geystay kulliyadaha hubka ee ku dhow magaalada Deir ez-Zur ee waqooyi bari Suuriya.

 

Geesta Kale Weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliya lahayn ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee ku yaalla goobaha saliida ee al-Cumar, waqooyi bari Suuriya, iyadoo markiiba lagu tilmaamay in weerarradan looga jawaabay duqeyn uu Mareykanka ka geystay saldhigga kaydka hubka ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan ee ku yaalla meel aan ka fogeyn saldhigga hadda la weerarray Mareykanka ee magaalada Deir ez-Zur, sida uu ku warramay telefishinka Al-Mayadeen.