Wararkii U Dambeeyey ee Dagaalka Falastiin Iyo Israaiil

0
28

UPDATE: Guutooyinka hubaysan Xamaas ee Qassam , ayaa sheegay inay maanta fuliyeen weerarradii u horreeyay tan iyo 7 October, oo ay isku wajaheen ciidanka Israa’iil, sida ay baahisay Aljazeera.

 

•Warbixinta Qassam, ayaa lagu sheegay inay dagaalyahannadooda howlgal ka fuliyeen xarumaha ciidamada Israa’iil ee u dhow isgoyska Erez. Howlgalkan waxay sheegteen inay ku dileen tiro askarta Israa’iil.

 

• Howlgalka Erez , waxaa kalo ay sheegeen inay ku gubeen tiro gaadiid ciidan ah.

 

• Gaadiidka ciidanka Israa’iil oo sii-galayay waqooyi galbeed Qaza, ayay sheegeen inay gantaallo la dhaceen , halkaana ku gubeen labo taangi iyo gaadiidka gaashaaman.

 

• Saldhigga milatariga ee Ra’im inay duqeeyeen ayay sheegeen Qassam.

 

Ma aysan bixin warbixin la xiriirta khasaaraha dhankooda gaaray, halka Israa’iil aysan wali ka hadlin weerarradan.