Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista

0
49

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista ciidan ee ay kala haystaan.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay, Catriona Laing oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegtay; in is-dhaafsiga maxaabiista ay tahay mid kalsoonida lagu dhisayo. Waxa ay sida oo kale ku boorisay dhinacyadu in ay ka taxadaraan in ay rabshado kale.