DEGNIIN – Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa

0
53

DEGNIIN – Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa in ay saameeyaan qeybo kamid ah deeganadda Puntland.

 

Roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan gobolada Mudug, Cayn iyo Qeybo ka tirsan Dhul xebeedka Badda Hindiya Ee deeganadda dhaca Gobolka Raascasayr, Roobabkaas oo xaddigooda lagu qiyaasayo inta u dhaxaysa halbeega ( 50-150 mm) sida ku cad khariidada jaantuska Maabka.

 

Deeganadda Nugaal, Karkaar, Sool iyo Sanaag ayaa heli doona roobab dhexdhexaada ah.

 

Xogtaan waxaa idinla wadaagaya Xafiiska Saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland.