Wararkii U Dambeeyey Tirada Dhimashada Ilaa Intii Dagaalka Qarxay Falastiin Iyo Israaiil

0
50

Soo koobid, maalinta 6aad ee dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil;

 

•Qaza ayaa maanta la kullantay duqeymo aan kala joogsi lahayn ku dhawaad 200 oo qof ayaa kaliya maanta duqeynta ku dhiman.

 

•Kooxaha caafimaadka Qaza ayaa si joogta ah maanta u sheegayay inay xarumaha caafimaadka ka dhammaadeen dhammaan agabkii iyo dawooyinka caafimaadka.

 

•Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan, oo Lubnaan tagay waxaa soo dhaweeyay wakiillada Xamaas, Islaami Jihaad iyo Xisbullah, isagoo sheegay waxa iska keenay inay tahay inay diiddan dambiyada dagaal ee ay ku kacayso Israa’iil.

 

•Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan, wuxuu sheegay Israa’iil, haddii ay duqeymaha sii wado inay la kulmi doonto jawaab.

 

•Xadka Masar iyo Qaza oo ay maanta duqeymo ka dhaceen; ma jirto wax gagaar iyo gaadiid ka soo gudbay.

 

•Turkiga iyo Jordan ayaa sheegay inay kaalmo deg deg ah gaarsiin doonaan Qaza.

 

•Israa’iil ayaa shuruud uga dhigtay si Qaza gargaar loo gaarsiiyo , inay Xamaas sii deyso maxaabiista u xiran.

 

•Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Canada, Italy iyo Germany iyo sidoo kale xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay booqasho ku tagaan Israa’iil maalinta berri ah.

 

•Madaxweynaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen iyo madaxweynaha baarlamaanka Midowga Yurub,Roberta Metsola ayaa Israa’iil berri booqanaya.

 

• Telefishinka Israa’iil ee Chennel 13, wuxuu caawa baahiyay in ciidanka Israa’iil ay u diyaar garoobeen weerar dhulka ah oo ay ku qaadaan Qaza; dhinaca Xamaas waxay sheegeen inay diyaar u yihiin iska difaacida weerarrada dhulka.

 

•Urur u dooda xuquuqda madaniga ah ee Carabta-Maraykanka ayaa sheegay in FBI-da ay booqatay “masaajido badan” oo ku yaalla Maraykanka, iyadoo intaas ku dartay in kooxdu ay sidoo kale heshay warbixinno ku saabsan in mas’uuliyiinta socdaalka ay xireen muwaadiniin Falastiiniyiin ah.

 

•Israa’iil oo sheegtay in ilaa hadda ay ku rideen ilaa 6,000 oo bam oo culeyskoodu dhan yahay 4,000 Marinka Qaza, tan iyo weerarkii Xamaas Sabtidii.

 

•Mareykanka ayaa diyaaradihiisa dagaalka US A-10 geeyay saldhig ku yaalla Imaaraadka oo la sheegay in laga difaaci doono Israa’iil, balse Imaaraadka oo caawa hadlay, beeniyeen taa , iyagoo xaqiijiyay inay heshiis hore labadii bilood ee u dambeysay diyaaradaha Mareynkana inay saldhigga adeegsanayeen.

 

•UK ayaa laba markab oo kuwa dagaalka ah u diri doonta bariga Mediterranean-ka si ay taageero ugu muujiso Israa’iil.

 

•Israa’iil oo sheegtay 246 askari looga dilay dagaalka tan iyo Sabtida.

 

•Diyaaradaha Israa’iil oo duqeeyay Dimishiq iyo Xalab , iyadoo Ruushka uu cambeereeyay duqeynta.

 

•Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa maanta booqday Israa’iil, isagoo sheegay inay difaaci doonaan Israa’iil.

 

•Israa’iil oo sheegtay inay wargeliyeen qoysaska 97 askari inay Xamaas u afduuban yihiin.

 

•Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in dadka reer Qaza ay ku qasban yihiin “inay adkeystaan oo ay ku nagaadaan dhulkooda”

 

•Faransiiska ayaa dalkiisa ka mamnuucay bannaanbaxyada lagu taageerrayo Falastiin.

 

•Soomaaliya, qofkii u horreyay ee xil haya oo ka hadlay dagaalkan wuxuu noqday Guddoomiyaha gobolka Banaadir , oo ku baaqay in Falastiinida loo duceeyo.

 

Tirada dhimashada iyo dhaawaca;

 

Israa’iil: 1,300 ayaa dhintay, 3,418 waa ay dhaawacmeen

 

Qaza: 1,537 ayaa dhintay , 6,612 ayaa dhaawacmay.

 

Daanta galbeel : 31 ayaa dhintay, 600 waa ay dhaawacmeen

 

###