๐—ซ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฒ๐—ฒ๐—น ๐—”๐—ณ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ

0
82

๐—ซ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฒ๐—ฒ๐—น ๐—”๐—ณ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ

๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” – Xaaladda degaanada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo Cali Saahid ee gobolka Togdheer ayaa degan, kadib markii shalay shaqaaqooyin ka dhaceen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo Milateriya gaysay degmada Ceel Afweyn si ay usugaan abniga magaalada, sidoo kale degaanka Cali Saahid ee Hawdka gobolka Togdheer ayay gaysay ciidamada boolisa, kuwaas oo qayb ka noqon doona xasilinta iyo nabad kuwada noolaanshaha.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamada ku amartay inay qabtaan Qofkii shacab ah ee ay arkaan isaga oo hubaysan.

Xaaladaha ka soo cusboonaaday degaanada Ceel Afweyn iyo Cali Saahid ayaa salka ku haya isku dhacyo dhexmaray beelo walaalo ah oo wada dega degaanadaasi.

Inta badan aano qabiil ayaa sabab u ah dagaalada iyo shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ilaa hadda aan xal rasmiya loo helin.

Ergooyin kala duwan ayaa ku maqan magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Cali Saahid, kuwaas oo ku hawlan xal u helista xaaladaha colaadeed ee ka jira degaanadaasi.

Magaalada inta badan xaalada colaadeed ee ka jirta ayaa looga qaxay, sawirada laga soo qaadanayaana waxa ay muujinayaan inta ay leโ€™eg tahay xaalada colaadeed ee ka jirta.
Geesta kale Xildhibaan Badal Sheekh Khaliif oo kamida mudanayasha golaha guurtida Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada ceel Afwayne ee gobolka Sanaag iyo Cali Saahid ee gobolka Tog-dheer.

Xildhibaanka ayaa baaq wado jir ah waxa uu u direy jufooyinka walaalaha ah gacan ka hadaku ku dhexmarey geedaanada Ceel afweyn iyo Cali saahid, waxanu ka dalbadey jufooyinkaas in goโ€™aan ka qaataan colaadaasi oo ay aqbalaan baaqyada uga imanaya xukuumadda, Cuqaasha, waxgaradka iyo aqooon yahanka dalka, isaga oo sheegay in miiska wada hadalada iskugu yimaadaan oo xal la gaadho wixii tabasho ah .

Dhinaca kalena, xildhibaan Baddel waxa uu sheegay in ay sabab u tahay soo noq-noqoshada colaadahaasi muranka xagga dhul ah.

Gaba-gabadiina, xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif, waxa uu tilmaamay in mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland diyar u yihiin sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas u dhaxeeya labada ardaa ee walalaha ah.