Madaxweynaha Uganda oo sheegay In Aanu raali ka ahayn gooni u goosadka Somaliland Ayna Qaldan Tahay’

0
44

Madaxweynaha Uganda oo sheegay inuusan raali ka ahayn gooni u goosadka Somaliland ‘ayna qaldan tahay’

 

Qoraal uu bartiisa X soo dhigay madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni ayuu ku sheegay: “Way ila quman tahay inaan qaato kaalinta dhexdhexaadiyaha nabadda ee labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya)”.

 

Museveni ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ergayga Somaliland ee Uganda uu aqalka madaxtooyada kusoo booqday, haseyeeshee uusan Yuweri ahaan taageersanayn kala go’a Soomaaliya. “Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah ergeyga gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iigu yimid aqalka madaxtooyada ee Entebbe. Ma taageersani in Somaliland ka go’do Soomaaliya, waayo, xeelad ahaan, waa khalad” ayuu qoraalka ku yiri.

 

Waxa uu ku baaqay in Soomaaliya oo mid ah ay ka qayb qaadato ganacsiga iyo horumarka Afrika.