Wararka Caalamka Qodobada Ugu Waaweynaa Maanta Oo aan Soo Koobay..

0
95

Wararka Caalamka Qodobada Ugu Waaweynaa Maanta Oo aan Soo Koobay..

 

Maxkamadda Sare ee Nigeria Oo Laashay Davwaddii Mucaaridka Taageertayna Bola Tinubu.

 

Maxkamada doorashada ayaa diiday codsi mucaarad ah oo lagu doonayay in lagu laalo guushii madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ee doorashadii Febraayo.

 

UPDATE+

 

Mareykanka oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday suuqa Ukraine.

 

Aqalka Cad, ayaa cambaareeyay weerarrada Ruushka ee Kostiantynivka ee Ukraine, isagoo ku tilmaamay weerarro “arxan darro ah”, Ugu yaraan 16 qof ayaa lagu dilay weerarkan.

 

UPDATE:+

 

Sharci-dejinta gobolka California ayaa meel mariyay sharci mamnuucaya takoorka ku saleysan qabiilka.

 

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ee Dalit, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan nacaybka iyo Takoorka.

 

UPDATE:+

 

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hogaamiyayaasha RSF ee Suudaan sababo la xidhiidha xadgudubyo balaadhan.

 

Washington ayaa ku eedaysay taliye ku xigeenka kooxda millatari iyo jeneraalkii ugu sareeyay Galbeedka Darfur xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

 

Suxufi Khadar Mucalim Deeq