Jabhadda Gacan-libaax Oo Ku Gacan Saydhay Go,aankii Beesha HJ Diidayna Inay Soo Degaan

0
85

Hogaamiyaha Jabhadda Gacan-libaax Oofwareen Oo Diiday Inuu Buurta Kasoo Dego oo uu Aqbali Go,aamadii Beesha Bariga Burco ee Beeshiisa lagu Amray Inay Maalmo Kooban Kaga Soo Dejiyaan Gacan-libaax.

Oofwareen ayaa sidaas Ku Sheegay Muuqaal Laga Soo Duubay oo lagu baahiyey Baraha Bulshada, isaga oo Si cad u sheegaya. Inuu Dagaal la geli doono madaxweynaha Somaliland oo aanu nabad qaadan doonin.

Ergadii Bariga Burco ayaa jabhaddan Beesha ay Kasoo jeedaan muddo 5 cisho ah u qabtay inay Buurta Kasoo Dejiyaan,Halka ay madaxweynahana Usoo jeediyeen inuu cafis u fidiyo, isaga oo madaxweyne bixina Aqbalay dhaan qodobada beeshan ee cafiskoodu ka midka yahay.