Itoobiya iyo Emaraadka Oo Kala Saxeexday 17 Heshiis Oo Muhiim Ah

0
116

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ahna Xaakimka Abu Dhabi.

Kulan ay Yeesheen Labada Dhinac ayaa Waxa ay ku kala saxeexdeen 17 mashruuc oo ay ku heshiiyeen inay iska kaashan doonaan.

Heshiisyadan ayaa Waxa mid walba Saxeexan Wasiirada Labada Dhinac ee ay khuseeyaan waxyaabahan lagu heshiiyey ee ay ka midka yihiin, iskaashiga dhinaca Dhaqaalaha, Millateriga, wershadaha iyo qaar kale oo badan.