Shir-guddoonka Baarlamaanka oo Qaabiley Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo u Ololeeya Qadiyadda Madax-bannaanida JSL.

0
141

Shir-guddoonka Baarlamaanka oo Qaabiley Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo u Ololeeya Qadiyadda Madax-bannaanida JSL.

Hargeysa – Shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo wakiillada ayaa qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiyaha golaha guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon ayaa xarun ayaa xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida ku soo dhaweeyay Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi.

 

Kulanka Shir guddoonka labada gole la yeesheen xildhibaanka ayaa salka ku hayay xoojinta xidhiidhka labada baarlamaan ee Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ay weheliyaan shirguddoonka labada gole ayaa hor yimid fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, waxaana khudbad soo dhaweyn iyo mahadnaqa fadhiga golaha ka jeediyay guddoomiye Saleebaan, waxaanu ku boggaadiyay sida uu markasta uga shaqeeyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland.

 

Gaba-gabadii xildhibaan Sir Gavin Williamson ayaa shir-guddoonka labada gole baarlamaan uga mahadnaqay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaanu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay aqoonsato Qadiyada madax bannaanida Somaliland.