Puntland Oo U Debaal Degtay Sannad Guurada 25 Aad ee Aasaaskeeda iyo Cudud Ciidan oo La Soo Bandhigay

0
66

Munaasabadda Kowda Agoosto ee Xuska As-aaskii Puntland ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxa ka qayb galay dhammaan Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo boqollaal shacab ah kuwaas oo dabaal-dagyo ku muujiyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka qayb galay Munaasabadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo Cududooda ku soo bandhigay Xuska.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland , Goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda oo ay ku dabaal-dageen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoola tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda iyo qaybaha ciidamada iyo awoodooda

Puntland Postt