Maxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Gavin Williamson

0
85

Maxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Gavin Williamso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo u Ololeeya Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa-31-07-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo dhaweeyey Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi.

Kulanka madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta, dardargelinta iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay xildhibaan Sir Gavin Williamson iyo mudaneyaasha kale ee dedaalka geliyey kor u qaaddida qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, xildhibaan Gavi Williamson, ayaa dhankiisa madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay sida diirran ee u soo dhaweeyey.

Waxa Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Uk, Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye, Ergayga Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Drs Edna Adan iyo Yurub Qaalib Faarax oo ah Madaxa xidhiidhka Dadweynaha iyo arrimaha Jaaliyadaha ee Xafiiska Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Uk.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.