Jabhada Gacan-libaax oo Degaanka Jidaali ee gobolka Sanaag Gaadhi ka Afduubay

0
80

Jabhada Gacan-libaax oo Degaanka Jidaali ee gobolka Sanaag Gaadhi ka Afduubay

Hargeysa – Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruse oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in Jabhada Buurta Gacan Libaax gaadhi xaajiyada oo rakaab saran yahay ka afduubtay degaanka Jidaali ee gobolka Sanaag.

 

Xildhibaanu waxa uu intaas ku daray in gaadhigan oo rakaab ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag uu u rarnaa degaanka Yube ee barriga gobolka Sanaag, waxaanu xusay in niman dhallinyaro ah oo qorya sita ay gaadhiga joojiyaan, isla markaana ay ka dejiyeen rakaabkii saarna sidaasna ay ku kaxaysteen.

 

Gaadhiga ayaa shalay 12:00 duhurnimo ay jabhada Buurta Gacan-libaax gashay ka afduubeen degaanka Jidaali, majirto ilaa hadda wax wara oo ka soo kordhay sida uu xildhibaanku golaha iyo warbaaintaba u sheegay.