Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay Dhagaysato Xisbiyada Iyo Miwaadiniinta”Xildhibaan

0
67

“Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay Dhagaysato Muwaadiniinta Dalka, Daneeyayaasha Doorashada Ee Ugu Horeeyaan Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo Miis wada hadal la isku yimaado”Xildhibaan Cabdikariim maxamed

 

Nidaamka Dowladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaynu ku soo caano-maalnay Talo wadaag iyo Is-qancinta kala duwaanshaha aragtida Siyaasiga ah ee Dalka iyadoo la eegayo Masxaladda Guud iyo Daganaanshaha Siyaasadda ee Dalka iyo Muwaadiniinta oo ah Mulkiilayaasha Dalka.

 

Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay dhagaysato Muwaadiniinta Dalka, Daneeyayaasha Doorashada ee ugu horeeyaan Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo Miis wada hadal la isku yimaado oo la is Qanciyo.

 

Xaasha’e inama dhaqaso sida wax u socdaan, arrintu maanta ayay Qabasho leedahay oo loo baahan yahay in Madaxda Xisbiyada la is Qanciyo iyo Miiska Wada hadalka talo Qaran lagu gaadho.

Madaxda Xisbiyada Mucaaradka waxaan leeyahay Odayaal Qaran baad tihiin, Taageerayaashana ha gaadhsiinina meel taladu faraha ka baxdo oo Dalkan Dhibaato u horseeda.

 

Qof kasta Maslaxadiisa iyo Noloshiisu waxay ku hoos jirtaa Maslaxadda Guud, gaar ahaan waxay Masuuliyadi ka saaran tahay toosinta Maslaxadda hogaamiyaasha Siyaasadda Muxaafid iyo Mucaarid ba.

 

Somaliland waxay marasaa Imtixaan Siyaasadeed waxana muhiima inaynu wada jir kaga gudubno Imtixaankaas.