Guddoomiye Faratoon Oo War Cusub Soo Saaray Iyo Waxa Uu Ku Saabsan Yahay

0
116

Guddoomiye Faratoon Oo War Cusub Soo Saaray iyo Waxa Uu Ku Saabsan Yahay

 

“Waxaan marka hore u mahad Naqayaa alle weyne oo ii suurtageliyey inaan maanta Ku Guuleysto Jaggada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee JSL .

 

Marka xigta Waxaan mahad balaadhan ujeedinayaa Mudanayaasha Xildhibaannada Golaha Wakiilada JSL oo Codkooda igu taageeray iina suurta geliyey Inaan Noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL.

 

Mudanaha ii Codeeyey iyo Mid iga Codeeyeyba Waxaan u Ahay gudoomiye iyo Oday ka shaqayn doona isku wadka Gollaha.

Maynaan kala Guuleysan ee Golaheena oo dhan ayaa Wada Guuleystay. Waxaanan idinku Maamuli doonaa Cadaalada iyo Sinaan,waxaynu nahay Hal Golle oo si isku mid uga Shaqeynaya Danta Qarankeenna Iyo Dowladnimadeena JSL , filashada shacabka ee dhankeena ahi waa mid saraysa, waxa la raba inaynu ka soo kabano turunturooyinkii hore oo talo wadaag iyo istixgilin sharciga la dhowro ku wada shaqayn doono idamka Alle

waxaan rajeynayaa in xifaaltankii Iyo Qaybsanantii uu keenay tartankii iyo loolankii shirgudoonku ay Maanta Soo af Jaranto kuna bedelno Bedalno Wada Shaqayn Iyo In Aynu Qarankeena wada dhisano

 

Ugu danbeyn waxaan u mahadnaqayaa Shacabka Jamhuuriyadda Soomaliland oo si aan kala hadh lahayn ii taageeray maalinkii aan doonay Booska hogaaminta gollaha ilaa maanta oo aan ku guulaystay gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda JSL

Gudoomiyaha golaha wakiilada JSL Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa Sidan ku qoray bartiisa Facebookga.