Dhinacyada Hubaysan ee Puntland ayaa ku Hishiiyey xabad joojin kadib markii ay isku dhaceen

0
284
Tobaneeyo qof ayaa la dilay ka dib markii baarlamaanka Puntland u codeeyay in wax laga bedelo nidaamka cod bixinta ee gobolka.
Dhinacyada hubaysan ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin, sida uu hoggaamiye maxalli ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Arbacadii, maalin ka dib markii ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen 30 kalena ay ku dhaawacmeen iska-horimaadyo ka dhashay isbeddello la soo jeediyay oo lagu samaynayo nidaamka codbixinta ee gobolka.
Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta oo uu Shalay ka dhacay Dagaal Culus Oo Sababay khasaare. Dhimasho iyo dhaawacba ah, ayaa maanta degen.
Isimada Puntland ayaa ku dedaalaya sidii ay ujoojin lahaayee. Colaadda waxaanay kala dhex galeen shinacyada dagaalamaya sida uu sheegay Boqor Burhaan iyo Islaan Ciise Oo warbaahinta la hadlay