DEG DEG Somaliland Oo Qabatay Xubin Culus Oo Shabaab ah 9 Sannona Ku xukunta
War qoraal ah oo ka Soo Baxay Wasaaradda Gaashandhiga ayaa Waxa lagu sheegay sidan:-
“Wasaaradda Gaashandhiga jsl waaxda xidhiidhka dadwaynaha
Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/06/2023-ka maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamadda jsl goboladda galbeed Waxay xukun 9 (sagaal sano ah) ah.
Xabsi milateri ku riday danbiile al-shabaab faysal cali ibraahin
Ina Aamina aaden 42 jir ah.
Oo ka tirsanaa ururka al-shabaab una qaabilsanaa in xubno al-shabaab ah
Ka diyaariyo gudaha somaliland.
Xukunkan ayay maanta maxkamadu kaga dhawaaqday fadhiga maxkamada ee xarunteeda guud Hargaysa